Liverpool City Council - Capital of culture


 

Capital of culture

Liverpool Culture Company
(Shirkadda Hiddaha Liverpool)

Maxaan qabannaa:

Waxay Liverpool tahay Caasimadda Yurub ee Hiddaha 2008.

Waxay Shirkadda Hiddaha Liverpool tahay urur uu sameeyaya Golaha Magaalada Liverpool si loo qabto barnaamajka hiddaha ilaa iyo ka dib 2008.

Waxay Liverpool ku guulaysatay tartanka 2008 sababta oo ah in dadka- oo ah hantida ugu wayn ee magaalada ay ahaayeen kuwa ugu muhiimsan gorgorka waxaana doonaynaa inaan hubino in qof kasto la siiyo fursad oo uga qaybqaato.

Waxaan rajaynaynaa inaan u dhaafno dhaxal aan dhammaanayn oo fiican dadka Liverpool, ay ku jiraan shaqooyin aad u badan, dhaqaale xoog leh iyo meel si aad u fiican loogu noolaado.

Helidda aqoonsiga Caasimadda Hiddaha Yurub waxay:

  • Abuuraysaa 14,000 oo shaqooyin cusub.
  • Soo jiidanaysaa in ka sii badan 1.7 milyan oo dalxiisayaal ah.
  • Dhiirigelinaysaa £2 bilyan oo maalgelin ah.

Inta loo dhawaanaayo Caasimadda Hiddaha Yurub ee 2008, waxaa sanad kasto jiro moowduuc gaar ah oo lagu qayaxaayo dhinacyada kala duwan ee hiddaha gaarka u ah magaalada:

2004 Faith in One City (Aaminaanta Hal Magaalo), hab-siinta jaalliyadaheena shakhsiyad midnimo iyo saaxibtinimo leh.

2005 Sea Liverpool (Badda Liverpool): socdaal oo sanadka oo dhan ah ee loo gelaayo dhaxalka qaninimo ee badda magaalada.

2006 Liverpool Performs (Soo bandhigyada Liverpool): dhamaashaadka cajaa’ibka leh ee lagu xusaayo isboortiga iyo fanka.

2007 Liverpool’s 800th: dhalashada Liverpool oo 800 jirsatay.

Waxay dadka soo booqanaayo ku soo qulqulayaan Liverpool si ay u arkaan quraxda dhaxalkeeda hiddaha oo ay ku jiraan biyodhaca Pier Head oo ka heshay UNESCO abaalmarinta Dhaxaltooyada Adduunka 2004. Waxay kale oo ay la yaabi doonaan waxyaabaha kale oo ay ka heli doonaan magaalada:

  • Darajada I iyo II oo ay ku liis-garaysan yahiin dhismooyinka iyo waxyaabaha qoran ee banaanka ka ah London.

  • Dabaqadda leh darajada Adduunka ee Meelaha lagu soo bandhigo fanka oo ay ku jiraan Tate Liverpool, The Walker- meesha soo bandhigidda qaranka ee Waqooyiga iyo Lady Lever Gallery ee Port Sunlight.

  • Waxyaabaha ugu badan ee kala duwan oo ah maadaynta Yurub iyo dalkaba ilaa iyo Beatles, waxay Liverpool looga aqoonsan yahay meel kasto inay tahay caasimadda addunka ee muusikada pop.

  • Guriga isboortiga, oo leh labo Premier League oo ah naadiyadda kubadda cagta iyo British Open Golf Championship (Ciyaarta Biritishka ee Golf’ka), oo u soo noqotay Holylake 2006 markii ugu horaysay ilaa 36 sanadadood.

Magaca Caasimadda Hiddaha wuxuu Liverpool si xoogan uga muujin doonaa map-ka caalamka.

Sida aad noo la soo xiriiri kartid:

Wicid: +44 (0) 151 233 4399

Fax: +44 (0) 151 233 6333

Email: contact@liverpool08.com

Shabakadda internet’ka: www.liverpool08.com

Boostada:
Liverpool Culture Company
PO Box 2008
Municipal Buildings
Dale Street
Liverpool
L2 2DH

Soo booqasho:
08 Place
Whitechapel
Liverpool
L1 6DZ