Care for adults
Ku kaalmaynta Nolosha- xanaanaynta dadka qaangaarka ah
Maxaan qabannaa:
Waxaan siinaa macluumaad, talosiin iyo xanaano bulshadeed dadka qaangaarka ah oo tabarta yar iyo xannaaneeyayaashooda magaalada gudeheeda. Waxaan kaalmaynaa dad kala duwan oo tabar yar, ay ku jiraan dadka qabo:
- Naafada waxbarashada
- Naafada jirka
- Ka naafaysan dareemayaasha
- U baahan caafimaadka maskaxeed
- Isticmaalid xun oo maandooriyayaasha
- Istimaalo xun aalkolka ama maaddooyinka kale
Waxaan kale oo aan siinaa adeegyo xanaaneeyayaasha- oo ah dadka xanaaneeyo qaraabada ama saaxibada oo aan iskod isku maamuli karin.
Marmar, anagoo dooranin ayaan ka qayb qaadannaa, bacdamaa ay na saran yahiin mas'uuliyado sharciyeed. Waxaa, tusaale ahaan, awoodnaa inaan hubino difaacidda iyo kaalmaynta dadka tabarta yar. Waxaa loo la jeedaa inaan ku qasbannahay inaan wax ka qabanno xaaladaha ay dadka halis ugu noqon karaan in wax-yeelo ama aflagaado.
Waxaan bixin karnaa ama qabanqaabin karnaa adeegyo bulshadeed oo baaxad wayn leh. Waxayna ku xiran yihiin baahida shakhsiyadeed ee qofka. Markii uu qof caawimaad naga codsado, waxaan qabanqaabinaynaa in hal ka mid ah hawlwadeenkeena uu booqdo sidii looga hadlo caawimaadda isaga ama iyada u baahan yihiin si loo qiyaaso xaaladahooda shakhsiga ah.
Tusaale ahaan, waxaan qabanqaabin karnaa:
- kaalmaynta guriga (halka la deegan yahay) iyo jaaliyadda
- shaqada bulshada
- xanaanada meel-dhexaadka ah iyo dhaqancelinta
- xanaanada guriga oo ku jiro adeegyada kalkaalinta ee guriga
- lacag-bixinta tooska ah (si loogu bixiyo isla xanaanayntaada)
- daynta qalabka
- wax ka beddelidda yar ee guriga
- adeegyada xanaanaynta maalintii
- hooyga guriyeenta/hoy guriyeedka la socoto xanaanaynta
- ku kaalmaynta guriyeenta/kaalmaynta dadka
- xanaanada nasashada/biririfta gaaban
- qaylo-dhaanta jaaliyadda
- cuntada barafka ah (oo aan la qiimayn)
- dhaq-dhaqaaqa habeenada
- daawaynta hawlqabadka
- ku meelaynta dadka ( ku xanaanaynta guryaha lagu haayo dadka qaangaarka ah)
Si aan u bixino adeegyadaan, waxaan la shaqaynaa ururo badan oo kale ee Liverpool oo ay ku jiraan hay'adaha caafimaadka iyo guriyeenta, adeegyada kale ee golayaasha sida Waxbarashada iyo Guriyeenta, iyo ururada kale oo gaarka iyo iskaa wax u qabso ee ka shaqeeyo magaalada.
Sida aad inoogula soo xiriiraysid:
Nagala soo xiriiri adiga oo soo maraayo Careline 0151 233 3019 ama u soo booqanaayo One Stop Shops-yadeena.
Maxaa xigo oo la samaynayaa:
Waxuu qofka aad la soo hadlaysid ku waydiinayaa xoogaa faahaahino. Ma aan la qaybsanayno qof kale wararka oo aad nasoo siinaysid adiga oo inoo fasaxin. Waxaan ku waydiinaynaa inaad inoo sheegtid:
- magacaaga, taariikhda aad dhalatay, asalka jinsigaaga, iyo luqadda aad jeceshahay
- cinwaankaaga iyo lambarka teleefoonkaaga
- qofka kale ee ku nool gurigaaga iyo waxaad isku tihiin
- qof kasto oo ka mid ah qooyskaaga, ama ku siiyo kaalmo, iyo inta jeer oo aad aragtid
- magacyada Takhaatiirta Guud, cinwaankooda iyo lambarka teleefoonkooda
- sababta aad malaysid inaad uga baahan tahay caawinaad golaha
- haddii qof adiga ku doodayaa nala soo xiriiro, waxaan waydiinaynaa magaciisa, sida uu kuu yaqaano iyo inaad adiga waydiisatay inuu nala soo xiriiro iyo inkale
Waaxaa dhici karto in qofka aad la soo hadlaysid ku siiyo talo ama warar isla markiiba, ama haddii aad u baahan tahay in laguu qiimeeyo baahidaada, wuu kuu qabanqaabinayaa.
Helitaanka fiican ee xanaanaynta- Khasnadda Ku-kaalmaynta Nolosha waxaa lagu heli karaa siyaasadda fiican ee xanaanaynta. Waxay u sahlaysaa hawlwadeenada Shaqada Bulshada inay u qiimeeyaan baahida ay isticmaalayaasha adeegga qabaan hab waafaqsan ayagoo hormarinaayo sinnaanta iyo caddaaladda dhammaan isticmaalayaasha adeeggeena. Nuqulka Habka lagu Mudanaayo waxaa laga arki karaa halkaan.
Haddii lagaa rabo inaad kharash ku bixiso ama aadan ku bixin caawinaadda waxay ku xiran tahay nooca caawinaadda aad u baahan tahay. Qaar ka mid ah adeegyada waa bilaash oo ma laha wax kharash ah. Haddii qof la siiyo adeegyada lagu bixiyo kharash waxaan isku dayanaa inuu kharashka ahaado mid ku qiyaasan si caddalad iyo macquul ah. Waxaan tixgelinaa awoodda aad u lee-dahay inaad ku bixisid adeeg. Waxaan samayn doonna baaritaan gargaar si aan u hubino inaad qaadatid gargaarka oo aad xaqqa u lee-dahay. Waxuu kharashka ku xiran yahay gargaarka la soo eegay, dakhligaaga, kaydkaaga iyo waxyaabaha kaa baxo.
Waxaad nasoo waydiin kartaa waxii kharashyo ah marki aad naga la soo xiriiraysid nooca caawinaadda aad u baahan tahay.







