Liverpool City Council - Environmental health


 

Environmental health

Adeegga Caafimaadka Jawiga iyo Hababka Ganacsiga

Maxaan qabannaa?

Waxuu Adegga Caafimaadka Jawiga iyo Hababka Ganacsiga xoojiyaa sharciyada si loo difaaco loona horumariyo sii hagaajinta caafimaadka iyo in la dhiirigeliyo ganacsi caddaalad, nabadgelyo iyo daacadnimo leh.

  • Waxaan baarnaa gobaha shaqada, gacansiga cuntada iyo meelaha lagu ganacsado waxaana baarnaa waxii cabashooyin ah si loo hubiyo in dadwaynaha, shaqaalaha iyo macaamiisha la khiyaanin ama halis loo gelin nabadgelyadooda ama caafimaadkooda.
  • Waxaan baaranaa shilalka ka dhaco goobaha shaqada, ka soo cabashooyinka cuntada, dilaacidda cuntada sumaysan, tayada hawada, dayactir la'aanta qaybaha guryaha sida gaarka loo lee-yahay, buuqa iyo rabshadaha, khiyaanada iyo wax isdabo-marinta iyo ganacsiga oo xaq lehayn.
  • Waxaan qaadayna waxqabashada lagu xakamaynaayo laguna ciribtiraayo cayayaanka u xun caafimaadka dadwaynaha.
  • Waxaan muwaadaniinta Liverpool siinnaa talo bilaash ah ee ku saabsanJawiga caafimaadka ama dhibaatooyinka macaamiisha.
  • Gacansiyada Liverpool waxaan siinnaa talo bilaash ah ee ku saabsan sida loo raacaayo Caafimaadka Jawiga iyo sharciyada Hababka Ganacsiga.

Sidee inoo la soo xiriiri kartaa?

  • Waxii ah talosiinta macaamiisha waxaad ka soo waci kartaa 233 3002.
  • Waxaad naga la soo xiriiri kartaa adiga oo telefoon u soo diraayo Liverpool Direct ama qof ahaan u imaanayo hal ka mid ah One Stop Shops-keena.
  • Haddii aad tahay ganacsade doonaayo talosiin ama inuu ku soo booqdo Sarkaalka Hababka Ganacsiga ama Caafimaadka Jawiga waxaad soo wacdaa 233 3000 ama u soo dir fax 225 6239.
  • Waxaad email inoogu soo diri kartaa trading.standards@liverpool.gov.uk ama environmental.health@liverpool.gov.uk .

Maxaa xigo oo la qanbanayaa?

  • Waxaan caadi isla markiiba siinnaa talo dadka teleefoon inoo soo diro ama soo booqdo.
  • Waxaan bilaabaynaa baarista arrimaha ku saabsan cuntada sumaysan ee nala soo gaarsiiyay 24 saacadood gudahood.
  • Waxaan uga soo jawaabaynaa warbixin ku saabsan dooli(jiir) oo ku jiro dhismo gudihiis 24 saacadood gudahood. Waxaan arrimaha cayayaanka kale looga soo jawaabayaa 5 maalin oo shaqo gudahood.
  • Waxaan uga soo jawaabaynaa 3 maalin oo shaqo gudahood wixii codsi qoran oo ay macaamiisha ku soo waydiisanayaan talosiin.
  • Waxaan uga soo jawaabaynaa haddii ay jirto qubasho 3 maalin gudahood.
  • Dhammaan adeegyada kale ee nala soo waydiiyo waxaa looga soo jawaabayaa 7 maalin oo shaqo gudahood.
  • Waxaan u la dhaqmaynaa dhamaan waraka shakhsiga ee kugu saabsan si kalsooni iyo aaminaad leh.
  • Waxaan kuu qabanqaabin karnaa booqashada guriga haddii loo baahdo.