Liverpool City Council - Housing council tax benefit


 

Housing council tax

Guriyeenta iyo Gargaarka Canshuurta Golaha

Waxa aan qabanno:
Waxuu adeegga Gargaarada mas'uul ka yahay maalka iyo bixinta Gargaarka Guriyeenta, Gargaarka Canshuurta Golaha Deegaanka iyo Lacag-celinta Labaad ee Qaangaarka.

  • Waxaa Gargaarka Guriyeenta la siiyaa reerka dakhliga yar si looga caawiyo kiradooda
  • Gargaarka Canshuurta Golaha Deegaanka waxaa la siiyaa Canshuur-bixiyayaasha Golaha oo dakhligooda yar yahay si looga caawiyo Canshuurta Golaha Deegaanka.
  • Lacag-celinta Labaad ee Qaangaarka waa nooc kale ee Gargaarka Canshuurta Golaha Deegaanka oo loogu talagalay dadka keligood ah oo bixiyo Canshuurta Golaha Deegaanka reerkodana ku jiro qof dakhli yar. Waxaa wadarta xisaabta looga dhigayaa saldhig dakhliga dadka kale oo qaangaarka ah.

Sida ino la soo xiriiraayo

Qoraal ahaan, boostada, Liverpool City Council, Benefits Service, PO Box 13, Liverpool, L69 2JG

Teleefoonka:

Fax: 0151 225 2145

Email: benefits.service@liverpool.gov.uk

Qof ahaan: Waxaad nagu soo booqan kartaa mid ka mid ah One Stop Shops-keena. Si kastaba ha noqotee. Waxaa lagaaga baahan yahay inaad u soo dhigato ballan adiga oo soo wacaayo 0151 233 3016. Fadlan xasuuso in ballanka ugu dambeeyo yahay nus saac ka hor inta la xirin.