Interpreters
Ma u baahan tahay tarjumaan?
Haddii aad ku hadasho xooga yar ama aadanba ku hadlin Ingiriisiga, waxa laga yaabaa inaad u baahato inuu tarjumaan kugu caawiyo sida aad isgaarsiin ula yeelato dadka adeegyada dadwaynaha bixiyo. Markii aad u soo booqanaysid adeegyada golaha, takhtarka, jobcebtre-ka, xarunta talosiinta ama qareenka, waxuu ururka kuu qabanqaabin karaa tarjumaan inuu halkaa isagana joogo.
Tarjumaanka waa qofka ereyadaada ku beddelaayo Ingiriisi si ay kuu fahmaan dadka adeegyada dadwaynaha bixiyo. Waxay markaa ka caawini karaan marki sida aad u heshid adeegyada aad u baahan tahay. Waxuu kale oo tarjumaanka kuugu macnaynayaa luqaddaada waxa uu sarkaalka golaha ama hawlwadeenka caafimaadka kuu sheegaayo. Waa inay waxba ka beddelin, ka tegin ama ku darin waxa la sheegaayo. Waa inuu tarjumaanka wararka u dhoowraa si aamin ah waana inuu ka ahaadaa eex la'aan.
Waxba kuma bixinaysid adeeggaan. Waxaa tarjumaanka wax loo siiyaa sida isaga o qayb ka ah adeegga laguu siiyo, tusaale ahaan waxaa bixinaayo Golaha Magaalada Liverpool , Adeegga Qaranka ee Caafimaadka ama xukuumadda dhexe.
Waxaa marmar lagaa codsan karaa inaad tarjumaanka kula hadashid telefoon intii aad ku arki laheedeen qof ahaan.
Waxa aad samaynaysid markii aad u baahato tarjumaan:
- Waa inaad ku soo wargelisaa ururka Luqadda iyo/ama lahjadda aad ku hadashid. Waxuu qof ku tusin karaa kaadh waxuuna ku waydiin karaa inaad tilmaantid luqadda aad ku hadashid. Waxay sidaani ka caawinaysaa in laguu qabanqaabiyo tarjumaanka ku fahmi karo.
- Waa inaad ku soo wargelisa ururka haddii uu muhiim kuu yahay in tarjumaanka uu noqdo qof aad isku jinsi tihiin.
- Waa inaad hubisaa inaad timaadid ballanka.
Tan waa muhiim.
Haddii aadan imaanin, waxaa khasaarinaysaa waqtiga iyo dadaalka dadka kale. Sidoo kale, qalabka qaaliga ah (tusaale ahaan kuwa caafimaadka) waxaa loo istimaali karay in lagu faa'iideeyo qof kale.
Waa aad samaynaysid haddii aadan imaan karin ballanka:
- Waa inaad ka codsataa qof aad taqaan oo ku hadlo Ingiriisiga inuu u soo sheego ururka. Markaa waxay awood u yeelanayaan inay tirtiran ballanka tarjumaanka iyo haddii laga maarmaan tahay waxay kuu qabanqaabinayaan ballan kale.
Inta lagu jiro ballanka:
- Waa inaad sheegtaa waxa aad doonaysid inaad sheegtid adiga oo cabsan.
- Waa inaad u sheegtaa xirfadlaha adiga oo u maraayo tarjumaanka haddii aad dhib ku qabtid isgaarsiinta/hadalka.
- Waa inaad u sheegtid xirfadlaha adiga oo u maraayo tarjumaanka haddii uu kuu muuqdo inuu wax qaldan yahay.
- Waa inaad ku aamintid tarjumaanka inuu wax ku qabto si eex la'aan ah, wararkana u dhoowro si aaminaad leh.
Si fiican ma ugu hadashaa afka Ingiriisiga? Ma rabtaa inaad noqotid tarjumaan?
The Novas Liverpool Translation and Interpreting Service (Adeegga Tarjumidda ee Novas Liverpool) waxay had iyo jeer raadinaysaa tarjumaano xirfadlayaal ah oo waayo-arag ah. Naga soo codso foomka dalbashada iyo wararka dheeriga ah adiga oo u soo diraayo email interpreting@novas.org ama soo wac 0151 708 8640 ama 0151 708 8660.







