Liverpool City Council - One stop shops


 

One stop shops

One Stop Shops

Waxa aan qabanno

One Stop Shop waa dhismaha golaha, oo ku yaal gudaha jaaliyadda halkaasi oo ay muwaadaniinta Liverpool :

  • Ka soo codsan karaan adeegga golaha.
  • Ka heli karaan adeegyada lamaanaha kale.
  • Ka heli karaan macluumaad.
  • Ku qabsan karaan hawlo kale ee golaha.

Shaqaalaha One Stop Shop guud ahaan waa tabobaran yahiin halkii ay surto gal ka tahayna waxay isku dayayaan inay isla markiiba xalliyan soo waydiintaada. Waxaa sidaan loola jeedaa in dhammaan hawlahaaga golaha wax looga qaban karo hal meel.

Waxaad haatan ka heli kartaa talosiinta ku sabsan adeegyada soo socdo:

  • Gargaarka Guriyeenta (ballandhig).
  • Canshuurta Golaha (ballandhig).
  • Abaal-marinyada waxbarashada
  • Adeegyada maaraynta Guriyeenta.
  • Rukhsadda halka gawaarida la dhigto ee dadka Naafada ah (Astaanta Bluugga).
  • Shati-bixinta Tagsiyada (magaalada keliya).
  • Diiwaangelinta Albaabka (magaalada keliya).
  • Ganaaxa halka gawaarida la dhigto.
  • Adeegga jawiga ay ku jiraan xakamaynta cayayaanka & iftiiminta waddada.
  • Hababka Ganacsiga.
  • Diiwaangelinta Doorashada.
  • Adeegyada Bulshada- helitaanka adeegyada carruurta.
  • Diiwaan-hayeyaasha.
  • Dalxiiska.
  • Gawaari dhigashada garoonka kubadda cagta.

Sida aad inoogula soo xiriiri kartid

Waxaa haatan jiraan 10 One Stop Shops oo u furan dadwaynaha. Waxaa laga heli karaa meelaha soo socdo:

  • Belle Vale - 6 Hedgefield Road , Liverpool L25 2RW
  • Broadway - Unit 1 Broadway Shopping Precinct, Broad Lane , Liverpool L11 1JA
  • City Centre - Municipal Buildings , Dale Street , Liverpool L69 2DH
  • Dingle - 200 Park Road , Liverpool L8 6SJ
  • Garston - Garston Library , Bowden Road , Liverpool L19 1QN
  • Kirkdale - 101 Walton Road , Liverpool L4 4AG
  • Speke - Parklands, Conleach Road , Speke, Liverpool L24 0TY
  • Wavertree -, Picton Road , Liverpool L15 4LP
  • Knotty Ash - 269 Blackmoor Drive , Liverpool L12 3HA
  • Old Swan - Derby Lane Liverpool L13 6QA

Broadway & City Centre
Isniinta: 8.00maalintii – 6.00 galabtii
Talaadada: 8.00maaliintii – 6.00 galabtii
Arbacada: 8.00maalintii – 6.00galabtii
Khamiista: 8.00maalintii – 8.00fiidkii
Jimcada: 8.00maalintii – 6.00galabtii
Sabtida: 9.00maalintii – 1.00duhurkii

Dingle, Garston, Kirkdale, Knotty Ash, Old Swan, Wavertree
Isniinta: 8.30maalintii – 5.30galabtii
Talaadada: 8.30maalintii – 5.30galabtii
Arbacada: 8.30maalintii – 5.30galabtii
Khamiista: 8.30maalintii – 5.30galabtii
Jimcada: 8.30maalintii – 5.30galabtii

Belle Vale & Speke
Isniinta: 9.00maalintii – 5.00galabtii
Talaadada: 9.00maalintii – 5.00galabtii
Arbacada: 9.00maalintii – 5.00galabtii
Khamiista: 9.00maalintii – 5.00galabtii
Jimcada: 9.00maalintii – 5.00galabtii

Waxa xigo oo dacaya

Ayadoo ku xirnayn qaybta aad kaga nooshahay magaalada, waxaad heli kartaa adeegyada golaha iyada oo loo maraayo One Stop Shop-ka deegaanka.

Waxaad u soo booqan kartaa markaad doonto, laakin waxaan ku waydiisanaynaa inaad ballan soo dhigatid haddii aad u baahan tahay in lagu siiyo talo ku saabsan Gargaarka Guriyeenta ama Canshuurta Golaha Deegaanka. Waxaad ku soo samaysan kartaa ballan adigoo soo wacaayo 0151 233 3016.

Waxay rugaha (shops) lee-yahiin waxyaabaha fududaynta ee soo socdo:

  • Halka laga soo galo ee kursiga lagu socdo/gaariga carruurta iyo miisyo gaaban.
  • La-taliyayaal u tabobaran Luqadda Astaanta ee British-ka.
  • “Khadka Luqadda” ee BT-ida oo aan kula xiriiri karno tarjumaanka haddii luqadda macaamiisheena uusan ahayn Ingiriis.

Meelaha waxtarka leh ee lala soo xiriiro

Haddii aad jeceshahay inaad ku soo darsato hadal ama faallo ka baxisid One Stop Shops-ka fadlan la soo xiriir Louise Gray:

Soo wac: 0151 233 3000

Fax: 0151 225 2864

E-mail: Liverpool.direct@liverpool.gov.uk

Boostada: Louise Gray, Municipal Buildings, Dale Street , Liverpool , L69 2DH