Liverpool City Council - Sports facilities


 

Sports and recreation

Lifestyles Fitness Centres

(Xarumaha Haab-nololeedka iyo Jir-dhiska)

Maxaan qabannaa?

Waxuu Golaha Magaalada ee Liverpool maareeyaa 15 meelood ee magaalada ku kala yaal ee lagu raaxeeysto iyo lagu sameeyo ciyaaro isboorti ah oo lagu magacaabo Lifestyles fitness centres (xarumaha Haab-nololeedka iyo Jir-dhiska).

Sanadaha 2005/06, waxaan soo jiidanay 2.63 milyan oo qofood oo u soo booqday si ay u isticmaalaan qalabyada baaxadda ballaaran leh ee ku yaal xarumaha raaxeeysiga qoyaanka ah iyo kuwa qalalan.

Hawlqabadyada iyo ciyaaraha isboortiga ee lagu qabto way badan yahiin, waxaana wax u qabannaa hooyooyinka uurka leh oo isticmaalayo fasaladdaha Aqua-natal (dabaasha) oo ku kala yaalo nadiyadeena ka badan 50+.

Waxaa haatan jiraan 11 qolol leh jawi hawadaysan ee kuwa Lifestyles'ka ah ee lagu bixiyo qalab layli casri ah oo ay la socoto tusmo xirfadaysan.

Waxaa dabaalashada lagu qabtaa 9 meelood oo leh qaybaha waalidka iyo carruurta socod-baradka ah, casharada dabaasha ee dhammaan da' kasto, tabobaridda samatabixinta iyo baraha dabaasha.

Waxaa u sii dheer inay jiraan 9 xarumood oo leh aagagga garoomaha iftimaysan ee lagu ciyaaro oo loogu talagalay dhoowr ciyaaro isboorti ah.

Ujradeena iyo kharashka kirada waxaa loogu talogalay in lagu dhiirigeliyo dhammaan muwaadaniinta iyo dadka soo boqanaayo in ay bilaabaan Hab-nololeed firfircoon. Waxaa jiraan 3 nidaam xubinimo ah oo bixinayo soo-gelitaan aan xad lahayn, waxqabad gaar ah iyada oo horay loogu sii bixinaayo ama lagu bixinaayo ‘bixitaanka tooska ah e bankiga' waxaana jira nidaam loogu talagalay degganayaasha Liverpool oo gargaar qaato sida ay xaq ugu lahadaan dhimista kharashka soo gelitaanka markii ay soo booqanayaan.

Carruurta ka yar 16 jir waxay haatan ku soo geli karaan bilaash dhammaan waxqabadyada oo aan ku jirin tabobare. Waxuu soo gelitaanka ku xiran yahay barnaamajka waxqabashada xarun walba. Waxay kale oo ay carruurta soo geli karaan qolalka jir-dhiska waqti mucayan ah oo sidoo kale bilaash ah.

Lifestyles Picton haatan way xiran tahay waxaana dib loo furayaa dabayaaqada 2007 markii la dhammaystiro dhismaha barkadda dabaasha.

Lifestyle Aslope e ku taal aagga Walton waxaa loo qoondheeyay in lagu dhammeeyo dabayaaqada 2006

Sidee inoo la soo xiriir kartaa?

Liiska soo socdo waxaa ku jiraan lambarka teleefoonka iyo cinwaanka ee dhammaan xarumaha isboortiga:

Lifestyles Austin Rawlinson
Park Lands
Conleach Road
Speke
Liverpool
L24 0TR
0151 233 2100
austinrawlinson@liverpool.gov.uk

Xaruntaan waxay leedahay 2 barkad dabaal, Qolka wayn ee isboortiga, Astro Turf Pitch (garoonka ciyaarta Astro) & Lifestyle

U soo gudbinta Takhtarka Guud

Lifestyles Garston
Long Lane
Liverpool
L19 6PE
0151 233 5700
GarstonLeisureCentre@liverpool.gov.uk

Xaruntaan waxay leedahay barkadda dabaasha, Qolka wayn ee isboortiga, Astro Turf Pitches & Lifestyle U soo gudbinta Takhtarka Guud

Beechley Stables
Harthill Road
Liverpool
L25 2RJ
0151 724 4490

Dugsiga fuulidda faraska ee dadka curyaanka iyo caadiga ah

Lifestyles Croxteth
Altcross Road
Liverpool
L11 0BS
0151 458 3421
croxteth.leisure@liverpool.gov.uk

Xaruntaan waxay leedahay qolka wayn ee isboortiga, Astro Turf Pitches & Lifestyle U soo gudbinta Takhtarka Guud

Lifestyles Cardinal Heenan
Honeysgreen Lane
Liverpool
L12 9HZ
0151 233 2345
Cardinalheenan.sportscentre@liverpool.gov.uk

Xaruntaan waxay leedahay barkadda dabaasha Lifestyles iyo qolka wayn ee isboortiga

Lifestyles Park Road
Steble Street
Liverpool
L8 6QH
0151 233 3600
parkroad.leisure@liverpool.gov.uk

Xaruntaan waxay leedahay Lifestyles, 2x barkad dabaal, Astro Turf Pitches qolka wayn ee isboortiga iyo Health Suite (qolka caafiimadka)

U soo gudbinta Takhtarka Guud

Lifestyles Everton Park
Great Homer Street
Liverpool
L5 5PH
0151 207 1921
evertonpark.leisure@liverpool.gov.uk

Xaruntaan waxay leedahay barkadda dabaasha, Qolka wayn ee isboortiga, Astro Turf Pitches & Lifestyle U soo gudbinta Takhtarka Guud

Lifestyles Toxteth
Upper Hill Street
Liverpool
L8 1YR
0151 709 7229
toxteth.leisure@liverpool.gov.uk

Xaruntaan waxay leedahay qolka wayn ee isboortiga, Astro Turf Pitches & Lifestyle U soo gudbinta Takhtarka Guud

Lifestyles Walton
Walton Hall Avenue
Liverpool
L4 9XP
0151 523 3472
Walton.Leisure@liverpool.gov.uk

Xaruntaan waxay leedahay qolka garoomaha kubadda cagta & Lifestyle U soo gudbinta Takhtarka Guud

Liverpool Tennis Centre
Liverpool
L15 4JP
0151 293 8350
LiverpoolTennisCentre@liverpool.gov.uk

Lifestyles Millennium
Millennium House
Victoria Street
Liverpool
L1 6JD
0151 233 4123

Xaruntaan waxay leedahay Lifestyle U soo gudbinta Takhtarka Guud

Lifestyles Ellergreen
Carr Lane
Norris Green
Liverpool
L11 2XY
0151 233 6285
NorrisGreen.Leisure@liverpool.gov.uk

Xaruntaan waxay leedahay 2x barkad dabaal, qolka wayn ee isboortiga iyo Lifestyles U soo gudbinta Takhtarka Guud

Newhall Swimming Pool
Longmoor Lane
Liverpool
L10 1LB
0151 530 1218

Xaruntaan waxay leedahay barkadda dabaasha

Woolton Swimming Pool
Quarry Street
Liverpool
L25 7RS
0151 428 1804

Xaruntaan waxay leedahay barkadda dabaasha

Maxaa xigo oo la samaynayaa?

Waxaad ugala soo xiriiri kartaa mid kasto oo ka mid ah xarumahayna si toos ah ama waxaad kala soo xiriiri kartaa Liverpool Direct (Khadka tooska ah ee Liverpoool) 0151 233 3007.

Meelaha waxtarka leh ee lala soo xiriiri karo iyo shabakadaha

Faahfaahinaad buuxda ee ku saabsan qalabyada xarumahayna waxaad ka heli kartaa bogagga internet'ka ee Golaha Magaalada Liverpool oo ah: www.liverpool.gov.uk/lifestyles