Housing
Guriyeenta Golaha Deegaanka
Waxa aan qabanno:
Waxuu Golaha Magaalada ee Liverpool leeyahay oo uu maareeyaa ku dhowaad 19,600 guryo ku yaal gabi ahaanba magaalada waxuuna haatan la eegayaa kireestayaasha iyo kuwa haysto kirada waqtiga dheer doorashooyin si loo helo xulashada ugu fiican oo lagu sii hagaajin karo guryahaan Habka Fiican ee Guryaha ilaa 2010.
Waxaa sidaani si xoog leh uga soo baxi karo in hantida ugu dambaysay ee Golaha loo soo wareejiyo hantiile-guri oo kale, laga yaabo inuu ahaado Hantiile Bulshadeed oo diiwaan-gashan.
Waxaa hantida ee Golaha ku jiraan guryo, dabaqyo, bungalows, maisonettes, guryaha hooy-siinta waayeelka iyo kaalmaynta kuwa u baahan inay joogaan gurigooda.
Waxaa guryaheena lagu maareeyaa toddoba Kooxooyin ee Maaraynta Jiiraanka iyaga oo loo maraayo shabakad ahaan One Stop Shops, xarumaha bar-kulmiska macaamiisha, iyo xarun u hawlan soo wacitaanka guriyeenta.
Sida inoo la soo xiriiro:
- Ku meelaynta/Waydiimaha ku saabsan Guriyeenta Golaha Deegaanka: Waxii waydiimo ee ku saabsan kiraynta guriga Golaha Magaalada Liverpool, ama waydiimaha kale ee ku saabsan gurigaaga haddii aad horay u ahayd mid ka mid ah kireestayaasheena, nagula soo xiriir telefoonka adiga oo u soo maraysid Xarunta Wacitaanka Guriyeenta Tooska ah ee Liverpool 0151 233 3018.
- Si lagu soo wargeliyo dayactir ama waydiin ku saabsan dayactir oo aad horay u soo sheegtay waxaad soo wacdaa xarunta wacitaanka dayactirka oo ah 0151 233 3005. Xarunta soo wacidda waxaa la heli karaa 24 saac maalintii, 7 maalin toddobaadkii si loo oggolaado dayactirada deg-degga ah.
Haddii uusan Ingiriisiga ahayn luqaddaada koowaad oo aad jeceshahay inaad isticmaashid tarjumaan waxaad soo waydiisataa “Khadka Luqadda”. Waxuu hawlwadeenka awood u lee-yahay inuu kuu helo tarjumaan si oo kaaga caawiyo soo waydiintaada.
- Bixinta kiradaada: Markii aad la wareegaysid heshiiska kirada ee Golaha waxaa kirada lagu bixinayaa horumaris toddobaad kasto laga soo bilaabo heshiiska biloowgiisa. Bacdamaa hantiilaha uga qaadaayo tilaab deg-deg ah marki ay kiradu dib u dhacdo oo ay ku jirto bixinta caawinaadda iyo talosiinta kireestayaasha dhibka ku qabo bixinta kirada.
- Xafiiska boostada, iyada oo la isticmaalaayo buugga lacag bixinta (£1.05 ayaa lagugu soo dallacayaa);
- Bankiga (laantaada oo waxba kugu soo dallacayn ama laan walba oo bankiga Barclays);
- Mid kasto oo ka mid ah One Stop Shops markaad isticmaalayso kaadhka bixinta (hal ka mid one stop shop ma oggolo lacag caddaan ah)
- Xafiiska Lacagta Caddaanka ah ee Munishiibiyada, Dale Street
- (waxaa halkaan lagu bixin karaa lacag caddaan ah);
- Waxaa beddelkooda ku bixin kartaa:
- Amarka joogtada ee akownkaaga bankiga
- In laga gooyo lacagta mushaharkaaga haddii aad tahay Shaqaalaha
- Golaha;
- Adiga oo ku soo wactamayo teleefoon si aad u isticmaashid kaadhka
- Bankiga - soo wac keliya 0151 233 3018;
- ama shabakaddaan internet-ka.
In lagu guul-darraysto in la bixiyo kirada waxay keeni kartaa inuu kireestaha waayo gurigiisa. Waxaad kirada ku bixin kartaa si shakhsi ah:
Gargaarka Guriyeenta iyo Canshuurta Golaha: Waxay Adeegga Gargaarka mas'uul ka tahay maamulka iyo bixinta Gargaarka Guriyeenta, Gargaarka Canshuurta Golaha iyo Lacag u Celinta Dadka Qangaarka ah. Waxuu Gargaarka Guriyeenta kaa caawinayaa bixinta kiradaada haddii uu dakhligaaga uu hooseeyo- waxaa marmar loogu yeeraa “ dib u celinta kirada” ama “ gunnada kirada”. Waxaa Gargaarka Canshuurta Golaha la siiyaa Canshuur-bixiyayaasha Golaha oo dakhligooda hooseeyo si looga caawiyo inay iska bixiyaan Canshuurta Golaha.
Lacag u Celinta Dadka Qaangaarka ah waxaa la siiyaa Canshuur-bixiyayaasha Golaha oo ay soo galaan wax aad ugu badan inay u qalmaan Gargaarka Canshuurta Golaha, laakin uu xubin ka mid ah reerka uu dakhligiisa hooseeyo. Waxaad kala soo xiriiri kartaa Adeegga Gargaarka iyada oo la soo wacaayo 0151 233 3009, ama waxaa nagu soo booqan kartaa mid ka mid ah One Stop Shops-keena. Si kastaba ha noqotee, waxaa lagaaga baahan yahay inaad u soo dhigato ballan iyada oo la soo wacaayo 0151 225 2222.
Talosiinta kireestayaasha aan ahayn kuwa golaha
- Talosiinta Kireestyaasha aan ahayn kuwa ku jiro guryaha Golaha: Unuggeena Adeegyada Jaalliyadda waxaa lagu bixiyaa talosiin iyo gacansiin lagu siinaayo kireestayaasha qaybta shakhsi ahaan loo leeyahay ay ku jiraan Ururada Guriyeenta, hantiilayaasha shakhsiga ah iyo Shirkadaha Guriyeenta. Waxay saraakiisha, tillabo ka qaadi doonaan halkii looga baahdo, si ay u hubiyaan in hantiilayaasha wax ka qabteen hababka la oggol yahay ee ku saabsan guriga aad ku nooshahay. Waxaad ka soo waci kartaa 0151 225 4901 ama email: environmental.health@liverpool.gov.uk
- Talosiinta Hantiilayaasha Guryaha Gaarka loo Lee-yahay: Guryaha Loogu jiro Si-isku-dhafan waa guryo ay ku jiraan in ka badan hal reer. Waxuu Golaha Magaalada Liverpool isku hawlayaa inuu hubiyo guryaha sidaasi oo kale ah inay ku habboon yahiin in lagu noolaado kuna habboon yahiin tirada dadka damacsan inay ku noolaadaan. Waxaan ku adkaysanaynaa in guryaha noocaan ah ay raacaan waxii shuruuc iyo hab ay soo saareen Golaha Magaalada. Haddii aad tahay hantiilaha guriga oo aad u baahan tahay gacansiin si loo hubiyo inuu gurigaaga u waafaqsan yahay hababkaan, waxaad soo waci kartaa Unugga Si hagaajinta Magaalada 0151 225 4901 ama email: environmental.health@liverpool.gov.uk
Mid kasto oo ku xusan kor, waxaadna nagala soo xiriiri kartaa adigoo soo maraayo One Stop Shops-yadeena.
Meelaha waxtarka leh ee lala soo xiriiro
Haddii aad tahay guri-laawe ama aad noqon karto guri-laawe oo aad jeceshahay inaad heshid wararka ku saabsan caawinaadda laguu heli karo, waxaad soo wacdaa Millennium House ee ku yaal Victoria Street si aad u heshid talosiin waji-ka-waji ah, ama nagala soo xiriiri adiga oo soo wacaayo Careline 0151 233 3027.







