Liverpool City Council - Somali


 

Somali

Waxay shabakaddaan ku lee-dahay macluumaadka adeegyada Golaha 14 luqadood oo kala duwan. Waxay bogaggaan kuu sheegayaan warar intaa ka sii badan ee ku saabsan adeegyada soo socdo:

Haddii aad hayso wax su’aalo ah ee ku saabsan adeegyada Golaha, ama wax dhibaatooyin ee la xiriirto ku noolaanshaha Liverpool, waan kaa caawini karnaa. Waxaad soo waci kartaa 0151 233 3000 waxaadna soo waydiisan karaa tarjumaan. Soo waciddaada waxa si toos ah lagugu xiraaya adeegga khadka luqadda.

Haddii aad doonaysid inaad qof waji-ka-waji kula hadasho, waxaad u soo booqan kartaa One Stop Shop halkaasi oo aan kuugu qabanqaabin karno tarjumaan, annagoo isla markiiba ku isticmaalayno teleefoonka khadka luqadda. Si loo helo One Stop Shop-ka ku dhow, isticmaal isku xirka liiska kor ku xusan.

Waxaa xitaa inoogu soo qori kartaa si bilaash ah (ma loo baahno faranko-boolo):


Liverpool Direct
Freepost
NWW 3400A
Liverpool
L1 3ZZ

Ama waxaad inoogu soo diri kartaa fax ama email:
Fax: 0151 225 5612
Email: Liverpool.direct@liverpool.gov.uk

Fadlan ina soo sii magacaaga, cinwaankaaga iyo teleefoonkaaga.

Tajumaan automaatik ah
Waxaad isticmaali kartaa AltaVista Translate tool si aad luqadaha soo socdo ku tarjumto qayb walba ee shabakaddaan:

Shiinaha (Kan dhaqanka ah iyo kan la soo fududayay), Dutch’ka, Faransiiska, Jarmalka, Greegga, Talyaaniga, Japanka, Korean’ka, Portuqiis’ka, Isbanishka iyo Ruushka.

Fadlan maskaxda ku hay in qalabka tarjumaanta automaatikada ah ee noocan ah aysan mar kasto si sax ah u soo saarayn macnaha qorayaasha bogagga www.liverpool.gov.uk, bacdamaa ay dhibaato ku ahaan karto inay tarjunto erayo gaar u ah golaha.

Magangelyo-doonka iyo qaxootida
Waxaa shabakadda www.refugeeaccess.info lagu bixiyaa wararka ku saabsan adeegyada iyo xuquuqda magangelyo-doonka iyo qaxootida ee aagga Liverpool luqadaha soo socdo: Albaaniyaan, Shiinaha (Kan dhaqanka ah iyo kan la soo fududayay), Ingiriisika, Farsiga, Faransiiska, Kurdiga, Portuqiis’ka, Ruushka, Soomaaliga, Turkiga iyo Urduga.